Halyeeyga kooxda Arsenal ee Sol Campbell ayaa shaaca ka qaaday halka ciyaartoy ee ka tirsan kooxda Liverpool ee sida aadka ah ay ugu baahantahay kooxdiisii hore isaga oo iska indho tiray xiddigaha muhiimka u ah Reds.

Dabcan markiiba waxa maskaxdaada kusoo dhacaya inuu ciyaartoygaasi noqon doono Mohamed Salah, Virgil Van Dijk, Sadio Mane ama Roberto Firmino balse aragtida halyeey Campbell  waa James Milner oo aan xataa boos joogto ah wada haysan.

Dabcan Milner waa mid kamida ciyaartoyda ugu khibrada badan ee haatan Anfield ku sugan waxaana uu muhiimad gaar ah kooxdiisa u leeyahay kulamada tartanka UEFA Champions League.

Campbell ayaa aaminsan in Arsenal ay u baahantahay ciyaartoy leh calaamadaha James Milner isaga oo la bar-bardhigay xiddigii hore ee Gunners ee Ray Parlour oo uu u arko mid ay isku ciyaar yihiin.

“Waxaad raadinaysaa qof sida Milner oo kale ah, Aragtidu waa aragtidii Ray Parlour” Ayuu ugu horreynba yidhi Campbell oo la hadlayay TalkSport.

“Taasi waa nooca aragtida ah ee ay Arsenal u baahantahay, Jacaylka kubadda cagta iyo aragtida ah inaad sii wado, Waxaan filayaa inay midaas la’yihiin, Waxaan eegaa Milner waxaanan filayaa inaan wax yar oo sidaas ah uga baahanahay Arsenal”.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR