Baladweyne
(PP) ─
Xeer-ilaaliyaha maamulka
Hirshabelle ayaa maanta amar ku bixiyay in lasoo xiro Yuusuf Axmed Hagar
[Daba-geed] oo dhawaan laga qaaday xilka guddoomiyaha gobolka Hiiraan, balse ku
gacan-sayaray inuu xilka wareejiyo.

Wararka laga helayo degmada Baladweyne
ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in xiisad ka dhalatay amarkan
ay ka taagan tahay halkaas, meelaha qaarna laga maqlay rasaas u dhexeysa
ciidammo kawada tirsan dowladda federaalka Somalia.

Inkastoo aysan jirin
khasaarooyin la sheegay inay ka dhasheen is-rasaaseynta ayaa waxaa hadddana
wararku sheegayaan in xalaaddu ay aad u kacsan tahay, lagana yaabo inay dhacaan
iska-horimaadyo u dhexeeya ciidammo kala taageersan maamulka Hirshabelle iyo Yuusuf
Dabo-geed.

Xeer-ilaaliyaha guud ee
Hirshabelle, C/llaahi Maxamuud Gacal ayaa qoraal uu soo saaray ku bixiyay amar
ah in lasoo xiro guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan oo lagu eedeeyay 10-dabi
oo ay ku jiraan abaabullo dagaal oo la sheegay inuu wado.

Yuusuf Dabo-geed ayaa horay u
sheegay inaanu aqbalin xil ka qaadistii lagu sameeyay, isagoo xusay in tallaabadan
loo maray hab aan sharci ahayn, wuxuuna ku adkeystay inuu isagu yahay
guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo aysan jirin cid uu xilka ku wareejinayo.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan
ayaa waxaa dhawaan loo magacaabay, mas’uul lagu magacaabo, Cali Maxamed
Carraale – waxaana tallaabadan ay kusoo beegmaysaa iyadoo dhawaan guddoomiye cusub
loo dumar ah loo magacabaay degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Qodobbada lagu eedeeyay
dabo-geed ayaa waxaa ka mid ah inuu sameeyay amar diiddo, sidoo kalena uu wado
qorshe uu isaga horkeenayo shacabka ku nool gobolka Hiiraan iyo maamulka Hirshabelle,
taasoo lagu sheegay inay ka mid tahay qaanooyin Qaran.

Ugu dambeyn, Xiisadda ka
taagan gobolka Hiiraan ee ka dhalatay amarka la dul-dhigay Yuusuf Dabo-geed
ayaa wuxuu u dhexeeyaa ciidammo millateri iyo booliis ah oo kawada tirsan ciidamada
Dowladda Federaalka Soomaaliya.

PUNTLAND
POST


Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR