Kooxaha waaweyn ee Premier League ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay samaynaya dhaq-dhaqaaqyo dhinaca tababare bedelista ah iyadoo ay kooxaha Tottenham iyo Arsenal iska fasaxeen tababarayaashoodii Mauricio Pochettino iyo Unai Emery.

Tottenham ayaa iska dirtay Pochettino kaddib bilo kooban markii uu ku hoggaamiyay Final-ka Champions League iyagoo qaab gaabis ah ku bilawday xilli ciyaareedkan waxaana ay ku badaleen Jose Mourinho oo shaqo la’aan ahaa.

Dhinaca kale maamulka samirka badan ee Arsenal ayuu ugu dambayn samirkii ka dhammaaday kaddib toddoba kulan ee guul la’aan ah iyagoo caydhiyay Emery qaab kumeel gaadh ahna ugu dhiibay Freddie Ljunberg.

Kaddib caydhinta tababarahaas, Cida ay haatan fartu ku godan tahay isla markaana dunidu sida dhaw ula socoto halka uu ku dambayn doono ayaa ah tababaraha Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer oo wakhti adag maraya.

Advertisements

Haddaba, Su’aasha meesha taala ayaa ah miyuu Ole ka waxqabad fiican yahay tababarayaasha ay seeftu kahor qaaday? Waxaanu halkan idiinku soo bandhigi doonaa boqoleyda (%) guulaha ay saddexda tababare kooxahooda la kala gaadheen wakhtiyada ay sida rasmiga ah kooxaha u hoggaaminayeen.

Aan ku bilawnee tababare Pochettino ayaa shan sano iyo dheeraad uu hoggaaminayay Tottenham guulo lasoo gaadhay 55% halka Unai uu Gunners 18 bilood oo uu joogay la guuleystay 49%.

Arrinta layaabka leh ee muujinaysa sida ay maamulka Man United wax badan ugu dul-qaadanayaan Ole ayaa ah inuu kaliya 27.3% kasoo guuleystay kulamada uu kooxdooda sida rasmiga ah usoo leylinayay.

Advertisements

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR