Maamulka Real Madrid ayaa halkooda kasii wadanaya qaabka wanaagsan ee ay ku bilawdeen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda oo ay haatanba suuqa kala soo saxeexdeen shan xiddig oo uu ugu horreeyo Eden Hazard.

Madrid ayaa xilli ciyaareedkii dhawaa kusoo dhammaysatay koobab la’aan markii ugu horreysay mudo sanado ah taas ayaana dhalisay in kooxdu ay suuqa xagaagan u hurto wax kasta sidii ay kusoo xoojin lahayd markale kooxdeeda.

Paul Pogba oo ka tirsan Manchester United ayaa haatan ah xiddiga ay inta ugu badan doonayso Los Blancos inay ka dhigto saxeexeeda lixaad ee xilli ciyaareedka.

Iyadoo xataa Pogba uu doonayo bilaabista loolan cusub sidii uu hore u sheegay isla markaana uu xiisaynayo u dhaqaaqista Madrid ayay kooxdiisu diidantahay inay xataa wada xaajood la gasho Real sida laga soo xigtay wargeyska Marca.

Haddaba, Haddiiba ay waayaan Pogba ayay Real Madrid u leexan doontaa khadka dhexe ee kooxda Napoli ee Fabian kaas oo xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay kooxdiisa lasoo qaatay.

Fabián Ruiz is on Madrid's radar. EFE

Fabian ayaa soo dhaliyay toddoba gool shan kalena caawiye kasoo ahaa xilli ciyaareedkii 2018-19 waxaana intaas u dheeraa bandhig guud ahaaneed oo wanaagsan oo uu soo muujiyay.

Napoli ayaa suuqa xagaagii hore uun xiddigan 30 Milyan kagala wareegtay Real Betis waana sababta aysan marnaba u doonayn inay gudaha xilli suuqan iibiso.

Dhinaca kale xiddigan qudhiisa ayaa toddobaadyo kahor biyo qabaw ku shubay wararka la xidhiidhinaya inuu u dhaqaaqayo Santiago Bernabeu isaga oo sheegay inuu ku faraxsan yahay kooxdiisa.

“Real Madrid miyaa? Waxaan haystaa qandaraas waanan ku faraxsanahay halkan, Jamaahiirtu way is dejin kartaa waxaan uga mahad celinayaa taageerada ay i siiyeen” Ayuu yidhi Fabian.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR