Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday inuusan magacaabi doonin kabtan ku xigeenka kooxda xilli ciyaareedka cusub, isagoo haysata xiddigo la taaban karo oo laga dhigo karo kabtan ku xigeen.

Horraantii isbuucaan ayey Man United ku dhawaaqday inay xiddigeeda qadka dhexe ee Michael Carrick uu yahay kabtanka rasmiga ah ee kooxda xilli ciyaareedka 2017-18, kaddib markii kabtankii kooxdaas ee Wayne Rooney isaga tagay isla markaana uu dib ugu laabtay kooxdii carruurnimadiisa ee Everton.

Carrick lama filayo inuu si joogto ah u ciyaaro xilli ciyaareedka soo socda, si kastaba taasi waxa ay la micno tahay in Mourinho uu u baahan yahay in calaamadda kabtannimo ee kooxda uu u dhiibo xiddig ka mid ah kooxda, iyadoo Ander Herrera iyo Paul Pogba ay ugu cad-cad yihiin xiddigaha xiran doonta kabtanka kooxda.

“Ma haysanno kabtan ku xigeen, kabtanka ayaa nagu filan, Michael sida iska cad waa kabtankeenna, marka uu Michael maqan yahay ama keydka fadhiyo qof ayaa xiran doona calaamada hoggaaminta, laakiin Michael ayaa wali ah kabtankeenna” ayuu Mourinho u sheegay Manchester Evening News.

Mourinho waxa uu sheegay in xiddigo sida Antonio Valencia, Herrera, Paul, Ashley Young iyo Chris Smalling uu u haysto inay kabtan noqdaan marka uu Carrick maqan yahay laakiin uusan haatan u baahnayn inuu magacaabo kabtan ku xigeen.

Man United ayaa kulankeedii ugu horreeyey ee isdiyaarinta xilli ciyaareedka cusub guul ku furatay iyadoo uu kabtan u yahay Carrick, waxaana ay 5-2 uga badiyeen Los Angeles Galaxy.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR