(Manchester) 09 Okt 2019. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la soo wairnayaa inay cayrin doono macallinkeeda Ole Gunnar Solskjaer haddii ay guuldarro kala kulmaan naadiga  Norwich City dabayaaqada bishaan.

Kaddib markii guuldarro lama filaan ah ay Axaddii ka soo qaateen Newcastle United, Kooxda Man uNited ayaa haatan fadhisa kaalinta 12-aad ee kala horreynta horyaalka Premier League, waaana ay 15-dhibcood ka dambeeyaan hoggaamiyeyaasha horyaalka ee Liverpool.

Kooxda ka dhisan Waqooyi-galbeed Ingiriiska ayaa wajahaysa naadiga ay aadka u xafiltamaan, waxaana kulanka dhexmari doona Man Utd iyo Reds la ciyaari doonaa 20 bishaan October, kaasoo cadaadiska ku sii badin doona macallin Solskjaer haddii uusan natiijo fiican ka helin.

Si kastaba ha ahaatee, macallinka reer Norway ayaa weli maanka ku haya inuu sii joogi dono Old Traffrod, laakiin Wargeyska The Sun ayaa warinaya in Man United ay tahay inay ka fogaato guuldarro ka soo gaartay Norwich haddii ay sii haysanayaan weeraryahankoodii hore ee Ole.

Kulanka go’aamin doona mustaqbalka macallin Solskjaer ee Norwich ayaa dhici doona 27-ka bishaan October waana saddex maalmood kaddib marka ay u safraan Naadiga Partizan Belgrade tartanka Europa League.

Manchester United ayaana aadi doona garoonka Carrow Road iyadoo laga adkaaday mid kasta oo ka mid ah siddeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay horyaalka Premier League ku soo ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda (Away).

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR