Difaaca kooxda Arsenal ee Koscienly ayaa suge u ahaa kabtankii isaga fariistay ciyaaraha ee Per Mertesacker, balse bishii May ayuu dhaawac daran soo gaaray difaacan oo uu xittaa ku seegay ka qayb galka Koobka Adduunka oo ay xulkiisa soo qaadeen.

Aaron Ramsey, Petr Cech iyo Mesut Özil ayaa ka mid ah xiddigaha noqon kara hooggaanka Arsenal, si la mid ah Graniy Xhaka.

Balse Unai Emery ayaa qarka u saaran inuu kabtanka joogtada ah la dhigo xiddigga reer France, balse inta uu kasoo kabsanayo ay ciyaartoy kale sii xiran doonaan.

Koscienly ayaa muddo dheer ku sugan garoonka Emirates, halka uu yahay mid ruuxiyad sare leh isla markaasna hooggaaminta ku wanaagsan.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR