(London) 14 Jan 2020. Sida wararku ay sheegayaan macallinka kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa la soo warinayaa inuu doonayo inuu dhabarka ka toogto hoggaamiye Pep Guardiola, isla markaana waxa uu xiddig muhiim ah ka rabaa inuu kala soo wareego kooxda Manchester City.

John Stones ayaa si layaab leh bartilmaameed ugu noqday macallinka kooxda Arsenal ee Mikel Arteta, waxaana uu doonayaa inuu geeyo waqooyiga Magaalada London.

Daafaca dhexe ee Manchester City ayaa doonaya inuu kabihiisa u qaato oo uu u ciyaaro xulkiisa tartanka Euro 2020.

Waxaa kale oo heshiiska xiddigan uu ku aado Gunners sii fududeyn kara ayaa ah in Stones Wakiilkiisa uu sidoo kale wakiil u yahay macallin Arteta, taasoo xitaa ka dhigi kara inuu ka dhaadhiciyo inuu amaah ku aado Arsenal.

Daafacan ayaa waxaa dib u dhigay ciyaarihiisa dhaawacyo, waxaana uu diiday inuu qandaraas cusub u saxiixay kooxdiisa Man City, iyadoo heshiiskiisa haatan ay kaga harsan tahay labo sano.

Macallin Pep Guardiola ayaan doonayn inuu kulamo badan si joogto ah u ciyaarsiiyo Stones, halka Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate uu doonayo in xiddigiisa uu ciyaaro isbuuc kasta.

25-sano jirkaan Stones ayaa fure u ahaa xiddigii Man City ee labo xilli ciyaareed oo xiriir ah ku guuleystay horyaalka, waxaana uu sidoo kale ahaa dooqa koowaad ee xulka England koobkii Adduunka ee 2018.

Laakiin hoos ayuu uga dhacay xulashada kooxdiisa, isagoo ciyaaray kaliya 10 kulan oo horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Ilo wareed ayaa u sheegay Wargeyska The Sun: “Waxa uu joogay London si uu u arko wakiilkiisa usbuucii hore, waxaana uu ku soo laaban doonaa markale isbuucaan.

“Wuxuu ogyahay haddii dib loo soo nooleeyay mustaqbalkiisii xulka England inuu u baahan yahay waqti badan oo uu ku ciyaaro garoonka dhexdiisa.

“Arteta waa uu u baahan yahay daafacyo sidaa darteed labadoodaba waa ay u fiicnaan doontaa.”

Stones ayaa ciyaaray kulankii Axaddii ay Man City 6-1 ku xasuuqday Kooxda Aston Villa.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR