(Manchester) 09 Okt 2019. Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayay in Manchester United ay iska iibiso sagaal ka mid ah kooxda koowaad intii uu furnaa suuqa kala iibsiga xiddigaha ee xagaaga.

Kaddib markii ay kooxdiisa Man Utd ay la timid kaliya sagaal dhibcood siddeedii kulan ee ugu horreeyay Premier League, Solskjaer waxaa saaran cadaadis xooggan kaas oo keeni kara inuu waayo  shaqadiisa Old Trafford, tiyoo ay jirto inuu suuqii hore uu qorshaynayay inuu kooxda ka sii diro sagaal xiddig oo kooxda safkeeda hore ka mid ah.

Qaab ciyaareedka kooxda Man United hadda ma’ahan mid la jeclaysan karo inkastoo  ganacsigoodii suuqa kala iibsiga ay ku soo heleen  saddex xiddig oo hadda ka mid ah safkooda hore, halka kooxda ka dhisan Waqooyi-Galbeed England ay lumisay  shan ciyaaryahan oo ay ka mid ahaayeen xiddigihii lafdhabarta u ahaa kooxda sida Alex Sanchez, Lukaku iyo magacyo kale.

Si kastaba ha noqotee, sida laga soo xigtay BBC Sport, Macallin Solskjaer wuxuu jeclaan lahaa inuu iska iibiyo ilaa sagaal ka mid ah kooxdiisa xilli ciyaareedkii hore ka hor bilowgii ololahan, balse uma suura galin.

Warbixinadda ayaa sheegaaya  in macallinka reer Norway iminka uu cadaadis wayn saran yahay, waxaana uu madaxa fulinta naadiga ee Ed Woodward uu ku fikirayaa in la joogo xilligii ay  kooxda sare u kac samayn lahayd, maadaama ay xilli ciyaareedkii hore ku dhameysteen kaalinta lixaad.

Solskjaer ayaa iminka haysta fursad  uu ku ilaashan karo kursigiisa, waxaana labadiisa kulan horyaalka ee soo socoda ay la kala ciyaari doonaan kooxaha Liverpool iyo Norwich City, iyadoo wararku ay tilmaamayaan  inuu heli doono fursaddiisa ugu dambeysa kulanka Norwich City ee ah kulanka ka dambeeya dheesha wayn ee Liverpool.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR