(Torino) 13 Feb 2018– Macallinka Tottenham Hotspur ayaa shalaytoole la guddoonsiiyay dhalasho sharafeeedka Virle Piemonte, maaddaama ay tahay tuulada uu awoowihii asal ahaan kasoo jeedo.

Spurs ayaa caawa Talyaaniga u joogta lugta hore ee wareegga 16-ka ee Champions League oo ay la leedahay Juventus, iyadoo macallinka Spurs uu asal ahaan Talyaani noqonayo marka raadkiisa la raaco, waloow uu haatan Argentine yahay.

Awoowaha 2-aad ama abuullanka Pochettino ayaa sanaddii 1867-kii ka shiraacday magaaladan yar ee ku taalla gobolka Piemonte ee ay caasimadda u tahay Torino, isagoo u dalaabay South America, iyadoo haatan wiilkiisa jiilka 3-aad sidaa lagu guddoonsiiyay dhalasho sharafeed.

“Masaafadu si kasta oo ay u dheer tahay waxaan dareemaa inaan Piedmontese ahay, maxaa yeelay sidaa ayaa la iisoo baray,” ayuu yiri Pochettino.

“Tusaale, weligay cusbo gacan qof ugama dhiibin [waa khuraafaad ay Talyaanigu aaminsan yihiin]… Virle! Awoowgay ayaa ii sheegi jirey: ‘waxaad kasoo jeedda magaaladan yar’. ayuu raaciyay.

Macallinka Spurs ayaa sidoo kale qaraabo fog la ah duq magaalo xigeenka Daniele Pochettino – kaasoo ah taageero Juventus. Duqa magaaladan yar oo 30 km u jirta Torino ayaa sidoo kale Pochettino ku casuumey inuu soo laabto.

“Annaga ayaad naga mid tahay,” ayuu Mattia Robasto u sheegay Pochettino markii uu shahaadada guddoonsiinayay, isagoo ku leh ”haddaba ogoow inaad marti u tahay reer Virlesi oo idil”.

Gool FM

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR