Kooxda Juventus oo mudooyinkii ugu dambeeyay noqotay koox si weyn u raadsata saxeexyada waaweyn ee qaarada Yurub ayaa markan isha ku haysa saxeexa xiddiga lagu naanayso Ronaldo-ha cusub ee Joao Felix oo ka tirsan kooxda Benfica.

Felix ayaa kamid ah xiddigaha loogu doonista badan yahay haatan suuqa kala iibsiga ee qaarada Yurub waxaana la aaminsan yahay in Juventus ay kamid tahay kooxaha waaweyn ee la socda xaaladiisa.


Sida lagu helayo xogihii ugu dambeeyay ee xaalada suuqa, Juve ayaa xilli horeba isku dayday inay xiddigan lasoo saxeexato iyaga oo dalab 75 Milyan ah u gudbiyay Benfica balse kooxda ree Portugal ayaa si sahlan ku tidhi “MAYA”.

Sababta ay Benfica u diiday inay lacagtaas Bianconeri ugu ogolaato xiddigeeda ayaa ah lacagaha lagu bur-burin karo ee heshiiskiisa ku xidhan oo ah 120 Milyan waxaana la filayaa in kooxdiisu aysan qiimahaas mid ka hooseeya ku fasixi doonin xiddiga.


Haddaba, Si ay Juventus ula soo saxeexato  Joao Felix ayay samayn doontaa khamaar weyn iyaga oo marka hore suuqa dhigi doono Paulo Dybala oo qudhiisu hibo aan is qarinayn leh waxaana ay isku dayi doonaan inay ku iibiyaan 100 Milyan si heshiiska Felix ugu fududaado.

Qorshahan ayaa ah mid ay Juventus doonayso inay xiddigan kula midayso weeraryahankeeda haatan ee Cristiano Ronaldo kaas oo loo arko in Felix uu la qaab ciyaareed yahay.

Dhawaan ayay ahayd markii Felix uu dunida fajac ku riday isla markaana uu saddexley yaab leh ka dhaliyay kooxda Frankfurt kulan ay Khamiistii kuwada ciyaareen tartanka Europe League.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR