Madaxda kooxda ree England ee Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay dhigooda Real Madrid u dajiyeen qiime kama dambays ah oo ay kaga iibin karaan xiddigooda khadka dhexe ee Paul Pogba oo xiiso ka helaya kooxda caasimada Spain.

Pogba ayaa suuqii xagaaga xiisaynayay inuu dhammaystiro heshiis uu ugu wareegayay dhinaca Real Madrid kaddib markii uu si cad saxaafada ugu sheegay inuu doonayo loolan cusub.

Haatan wargeyska gobolka Catalonia kasoo baxa ee Sport oo shaaca ka qaaday go’aanka iyo waxa u qorshaysan Manchester ayaa sheegay inay lacag dhan £178 Milyan ka dalban doonaan Madrid.

Dhinaca kale isla warbixintan ayaa sheegaysa in madaxda sarre ee Red Devils ay kulan la qaateen wakiilka Paul iyaga oo u sheegay inay ka doonayaan xiddigiisa inuu heshiis cusub saxeexo.

SIDOO KALE AKHRISO:  RASMI: Goolhayihii, Difaacii, Dhexdii Iyo Gool Dhaliyihii Sanadka Yurub Ugu Fiicnaa Oo Si Rasmi Ah Loogu Dhawaaqay.

Rabitaankaas United ee ah inay Pogba heshiis cusub ka doonayso ayaan la filayn inuu Madrid ka celiyo xiisaha ay u muujinayso 26 jirkan.

Dabcan caqabado dhawr ah ayaa haysta heshiiska cusub ee ay United ka doonayso Pogba waxaana kamid ah rabitaankiisa ah inuu kahoos ciyaaro halyeeygiisii carruurnimo ee Zinadine Zidane oo ah tababaraha Madrid.

Man United ayaa sidoo kale fursad ka dhex heli karta xidhiidhka tababare Zidane iyo madaxweynaha Madrid ee Perez kaddib markii uu tababaraha ree France lumiyay kalsoonida Perez.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR