Hay’adda Nabad Sugidda iyo
Sirdoonka dowladda Federaaalka Soomaaliya ee NISA, ayaa shaacisay in uu is
casilay Madaxii Amniyaadka Al-shabaab u qaabilsanaa gobolka Banaadir.

Qoraal kooban oo hay’addaasi soo dhigtay barteeda Twitter-ka, ayay ku shaacisay iscasilaadda  Muuse Macallin oo loo yaqaanno Mucaawiye, kaasi oo sida ay NISA sheegtay isu’ casilay sababa la xiriira khilaaf ka dhex jira ururka Al-shabaab.

Ha’yadda ayaa sheegtay in
khilaaf u dhexeeyo laba garab oo ka tirsan Al-shabaab, islamarkaana
khilaafkaasi uu keenay in uu is-casilo Madaxii Amniyaadka Al-shabaab ee gobolka
Banaadir oo raacsan Garabka horjooge Mahad Karataay.

Khilaafkii u dhaxeeyey labada garab ee Maafiyada Al-Shaabab ayaa sababay inuu is casilo madaxii Amniyaatka Gobolka Banaadir, Muuse Macalin [Mucaawiye], oo 39-jir ah, oo ahaa garabka raacsan horjooge Mahad Karataay” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

PUNTLAND POST

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR