Magaalada Muqdisho, maanta oo Sabti ah waxaa ku soo wajahan Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle & Wafdi uu hoggaaminaayo.

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda Villa Somaliya, ayaa sheegay Safarka Madaxweynaha dalka Jabuuti uu ku imaanaayo Magaalada Muqdisho inay la xiriirto hawlo shaqo oo muhiim ah.

Sida qorshaha uu yahay Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa xariga ka jari doona dhismaha Safaarada Jabuuti ay ka dhisatay Magaalada Muqdisho, taasi oo noqonaysa Safaarada labaad ee ugu wayn Muqdisho marka laga reebo midda Turkiga.

Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu ka qayb galo furitaanka Kalfadhiga Golaha Aqalka Sare ee dalka oo maanta la qorsheynaayo in la furo.

Madaxweyne Geelle, ayaa Somaliya sii joogi doonaa muddo laba cisho ah, waxaana la sheegay inuu booqan doono Magaalada Baledweyne oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka socda dalkiisa.

Ammaanka Muqdisho ayaa si wayn loo adkeeyay, waxaana wadooyinka Magaalada ay yihiin kuwa xiran oo Ciidamada ammaanka ay xireen.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR