Madaxweynaha xiriirka kubada cagta dalka Spain, ee Javier Tebas, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Lionel Messi, uu yahay mid kordhiyay qandaraaska uu haatan uu kula joogo camaaliqada Horyaalka La Liga.

Isagoo ka hadlay kulan warbaahineed, ay soo agaasintay Shabakada madaxa banaan ee Europa Press, ayaa wuxuu sheegay inta uu ka warqabo uu Messi, goor hore, uu saxiixay heshiiska cusub, oo uu kusii joogayo Barca.

Wuxuu yiri: “Messi wuxuu cusbooneysiiyay heshiiskiisa, Hadii aan been iska fogeeyo Messi, wuxuu saxiixay heshiiskaas, heshiisku wuxuu dhaqangal yahay marka la saxiixo ee ma noqdo marka lagu dhaqaaqo.

Sheekadaan ayaa waxay meesha ay ka saareysaa walaacii ku aadanaa in Messi, uu ka tagayo Barca, kaasoo uu ka dhacayo qandaraaska uu Camp Nou, ku joogo dhamaadka fasal ciyaareedkan 2017/18.

Lionel Messi, ayaa wuxuu kamid yahay ciyaartoyda ugu muhiimsan Bluagrana, waxaana uu dhaliyay 11 kulan uu udheelay xagagaan kulamada La Liga, 12 gool, isagoona ka caawiyay inay hogaanka ay ku qabtaan 31 dhibcood.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR