Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixay sharci shuruudo adag ku soo rogaya Zimbabwe si cunaqabataynta looga qaado.

Shuruudahani ayay tahay in xukuumada Zimbabwe ay ka soo baxdo ka hor inta aysan Mareykanka ka qaadin cunaqabataynta.

Madaxwayne Emmerson Mnangagwa ayaa sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay ganacsi.

Balse sharcigani cusub ee dib u soo kabashada dhaqalaha ayaa laga yaabaa in uu wax u dhimo qorshaha Zimbabwe ee ah dalakasi malgashi lagu sameeyo.

Doorashadii ka dhacday dalka Zimbabwe ayaa ah mid wali natiijadeeda lagu muransan yahay.

Natiijada rasmiga ah ayaa muujinaysa in Mr Mnangagwa uu ku gulaystay 50.8%, balse waxa arrintan ku gacan seyray mucaaradka.

Sharcigan cusub ee mareykanka ayaa dhigaya in si cunaqabataynta loo qaado ay tahay in doorashada guud ahaa la aqbalo in ay ahay “xaq iyo xor “.


Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR