Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo
wafdi balaaran uu Hoggaaminayo ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Kismaayo ee
xarunta gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo ay ka socoto qaban qaabada xaflada
Caleema saarka Axmed Madoobe.

Madaxweyne Deni oo ku sugan magaalada Boosaaso, ayaa isu
diyaarinaya safarka uu ku gaarayo caasimada KMG-ka u ah maamulka Jubaland ,
iyadoo uu kamid yahay madax lagu casuumay Caleema saarka madaxweynaha dib loo
doortay ee maamulka Jubaland.

Madaxtooyada Puntland wali ma shaacin sida uu madaxweyne
Deni ku gaari karo magaalada Kismaayo, halkaasoo ay saaran tahay xanibaad ay ku
soo rogtay dowladda in diyaaradaha halkaasi tagaya ay qaadaan Siyaasiyiinta iyo
madaxda.

Dhinaca kalena, waxaa xalay natiijo la’aan ku soo dhamaaday
kulamo saacado badan qaatay oo madaxtooyada uga socday wafdi ka socday dowladda
Soomaaliya oo uu hogaaminayay Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed
Xasan iyo mas’uuliyiin ka tirsan Puntland, kulamada waxey salka ku hayeen
xalinta khilaafka dowladda Dhexe iyo Puntland.

Sidoo kale wafdiga ay dowladda ka dirtay Muqdisho, ayaa u
soo jeediyay madaxweyne Deni inuu isaga baaqsado Caleema saarka Axmed Madoobe,
inkastoo uu dalabkaasi labaadna ku gacanseyray , isagoo ku adkeystay inuu
Kismaayo tagayo.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR