Sida laga soo xigtay wariyaha caanka ah ee lagu magacaabo  Edu Aguirre, kaasoo ka shaqeeya Talefishinka, El Chiringuito, Ronlado ayaa wuxuu diiday inuu saxiixo heshiis cusub, kadib markii ay soo hordhigtay arinkaas kooxdiisa.

Aguirre, ayaa wuxuu sheegaya in Ronaldo, uu ka carooday sheeko ku aadan in miiska loosoo saaray qiimo lacageed, uu ku sheegay inay tahay mid aanan isaga u qalmin, taasi bedalkeeda uu ka tegi doono kooxda bisha June 30-keeda.

Sheekadaan ayaa imaaneysa iyadoo dhawaan uu CR7, uu shaaca ka qaaday in uusan dooneen inuu cusbooneysiiyo heshiiska uu haatan uu kula jiro kooxdiisa, inkastoo uu qiray in haatan uu ku faraxsan yahay Madrid.

Ronaldo ayaa wuxuu kula guuleystay Los Blancos, koobab badan waxaana kamid yahay sidoo kale, laacibiinta ugu muhiimsan kooxda ka dhisan caasimada wadanka Spain, ee Madrid, isagoona afar jeer ku guuleystay xidiga aduunka.

Balse, sheekada ku aadan inuu isaga tagayo Madrid, ayaa ku noqota mudooyinkii ugu dambeysay mid taagneed, waxaana ay qabsatay bishii Agoosto ee sanadkaan warbaahinta kadib markii lagus oo eedeeyay lunsashada canshuur.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR