(Madrid) 25 Mar 2020. Kubadda cagta Yurub ayaa waxbadan uu hoos u dhaca ku yimid kaddib faafitaanka Coronavirus, gaar ahaan dalka Spain oo aan wali la ogeyn taariikhda dib loo ciyaari doono horyaalka La Liga.

Wali waxaa jira doodo iyo wada hadalo dalal dhowr ah ee ku saabsan xilliga uu dib u soo laaban doono horyaalka wadan walba, laakiin taariikhda dib loogu soo laaban doono garoomada wali lama xalin.

Tani waxay quseysaa Spain, madaama madaxweynaha xiriirka kubadda cagta Spain ee Luis Rubiales uu rajeynayo inay sida ugu dhaqsiyaha badan ay dib u soo laabtaan tartamada, laakiin ma uusan go’aamin xilliga.

Wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday hadalada madaxweynaha xiriirka kubadda cagta Spain ee Luis Rubiales kaddib wareysi uu bixiyay waxaana uu yiri:

“Horyaalka wuxuu soo laaban doonaa marka ay dhamaan kooxaha iyo nolosha Spain ay nabad qabaan”.

“Waxaan dooneynaa inaan dhameystirno horyaalka, waana inay taasi dhacdo, balse waxaa adkaan doonta in la ciyaaro 48 saacadood kasta, tani maahan bini’aadanimo, waxaana sida ay tahay arrintan ka baran doonaa khabiirada soo saara ciyaarta si ay u qiimeeyaan xaaladaha”.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LLIKE OUR FACEBOOK PAGE