Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa
maanta xafiiska madaxtooyada Boosaaso ku qaabilay, Taliyaha guud ee ciidanka
Maraykanka Africom Gen. Stephen J.Townsend iyo wafdi uu hoggaaminayo oo
booqasho ku tegay magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha Puntland iyo Taliyaha guud ee ciidanka Maraykanka
ee Qaaradda Afrika oo halkaasi kulan gaar ah ku yeeshay, ayaa ka wada-hadlay
arrima ku saabsan dhanka Amniga iyo la-dagaallanka Argagixisada.

War ka soo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in
madaxweyne Deni iyo Gen. Townsend, ay ka wada-hadleen Ammaanka guud,
la-dagaallanka Argagixisada iyo wada-shaqeynta Puntland iyo Taliska Africom.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Taliyaha Taliska Africom Gen. Stephen J.Townsend waxay ka wada hadleen Amaanka Guud iyo la Dagaalanka Argagixisada,iyo wada shaqaynyta Taliska Africom iyo Dowladda Puntland” ayaa lagu yiri warkaasi.

PUNTLAND POST

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR