Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) ayaa xilka looga qaaday agaasimayaashii hay’adaha PSS IYO PIA ee Puntland.

Wareegtadaan oo ku taariikhaysan 13 June 2018  ee ku beegan Arbacada maanta ah,ayaa xilka looga qaaday agaasimihi guud ee hay’adda Sirdoonka Puntland Intelligence Service( PIA),Cabdirasaaq Ciise Xuseen(Khaatumo) iyo agaasimihi guud ee hay’adda Nabad Sugidda Puntland Security Service(PSS),Cabdullaahi Aadan Maxammed.

Halkaan hoose ka akhriso wareegtada.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Xilka Qaadis Ku Sameeyay Agaasimayaasha Hay’adaha PSS iyo PIA.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 13 June 2018 xafiiskiisa kasoo saaray wareegto uu xilkii kaga qaaday Agaasimayaasha Hay’adaha PSS iyo PIA.

Xeer Madaxweyne Lr. 71 June 13 2018, kuna saabsan Xilka Qaadid Agaasimayaasha Hay’adaha PSS iyo PIA.

Madaxweynaha Dawladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Muhiimadda ay leeyihiin Hay’adaha Amniga.

Markuu tixgaliyey: Talo soojeedinta Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta

Wuxuu Xeeriyey:

1.Wuxuu Xilkii Agaasimaha Guud ee Hay’ada PIA ka qaaday Cabdirsaaq Ciise Xuseen (Khaatumo).

2. Wuxuu Xilkii Agaasimaha Guud ee Hay’ada PSS ka qaaday Cabdulaahi Aadan Maxamed (Cabdulaahi Ulle).

3. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

=DHAMMAAD=

PUNTLAND POST


Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR