Muqdisho
(PP) ─
Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed  Islaam
[Axmed Madoobe] iyo xisbiyada siyaasadeed ee Wadajir iyo Himilo ayaa ka hadlay
xildhibaannada la dhaariyay ee Jubbaland, iyagoo xubnaha baarlamaanka labaad ee
Jubbaland u rajeeyay inuu RABBI u fududeeyo hawlaha loo xil-saaray.

Axmed Madoobe ayaa xubnahan cusub
ee ka mid noqday baarlamaanka 2-aad ee Jubbaland u rajaynayaa inuu ALLE la
garab-galo mas’uuliyada culus ee dadka ree Jubbaland ay u dhiibteen, taasoo ah
amaano culus oo ilaalin iyo ku fara-adeygid mudan.

“Shacabka Jubbaland waxaan
ugu baaqayaa inay garab-istaagaan mid ka mid ah hay’adahooda dowliga ah oo ay
noqonayso markii labaad oo dib loo dhiso, taasoo waddada u xaarysa qaybaha ka
dhiman oo ay doorashada gudoonka baarlamaanka iyo madaxweynaha ugu horreeyaan,“
ayuu yiri Madaxweyne Madoobe.

Isagoo sii hadlaya ayuu
intaas ku daray. in amniga iyo midnimada guud ee Jubbaland la adkeeyo oo
shacabka reer Jubbaaland ay wadajir kaga gudbaan maalmaha doorashooyinka, taasoo
raad qurux badan u noqonaysa dowlad-nimada iyo dimuquraadiyadda Jubbaland.

Dhanka kale, Xisbiiyada Himilo
iyo Wadajir oo ay kala hoggaamiyaan Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo C/raxmaan C/shakuur
Warsame ayaa dhankooda u rajeeyay xildhibaannada cusub ee Jubbaland inuu ALLE
la garab-galo xilka dusha loo saaray, iyagoo xildhiabannada ka dalbaday inay xoojiyaan
sidii ay u heli lahayd Jubbaland hoggaan wanaagsan.

“Xisbiga Wadajir wuxuu cambaareynayaa
ficillada aan wanaagsanan ee ay hoggaanka sare ee Dowladda Federaalka ah uu ku
doonayo in Jubbaland ay uga abuuraan xasillooni-darro. Waxaana uga digaynaa
inay ka waantoobaan inay carqaladeeyaan doorashada Jubbaland,” ayaa lagu yiri
bayaan maanta kasoo baxay xisbiga Wadajir.

Waxaa kaloo war-saxaafadeed
uu arrinta uga hadlay soo saaray xisbiga uu hoggaamiyo Sheekh Shariif ee Himilo
Qaran, waxayna ugu mahad-celiyeen guddiga doorashada Jubbaland, iyagoo sheegay
in dadaalka ay ku bixyeen inay soo xulaan xildhibaanno ay ugu bixiyaan in si
hufan loosoo doorto xilka madaxweynaha iyo guddoonka baarlamaanka Jubbaland.

“Doorashada soo socota waxaan
ku baaqaynaa inay u dhacdo si hufan oo xalaal ah, waxaana shacabka Jubbaland
iyo hoggaankooda ugu baaqaynaa inay adkeeyaan amaanka guud ee Kismaayo iyo
deegaannada kale, si ay u dhacdo doorasho lagu kalsoonaan karo,” ayaa lagu yiri
qoraalka kasoo baxay xisbiga Himilo Qaran.

Ugu dambeyn, Musharraxiinta u
tartamaya doorashada Jubbaland ayaa soo saaray dhankooda liis kale oo ay
sheegeen inay yihiin xildhibaanno, inkastoo lagu tilmaamay kuwo aan sharci
ahayn, waxaana la sugayaa qaabka ay u dhici doonto doorashada madaxweynaha
Jubbaland.

PUNTLAND
POST


Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR