Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug oo ku sugan Magaalada Nairobi  ee Caasimadda dalka Kenya ayaa la kulmay, ayaa la kulamay Sanator Muuse Suudi Yalaxoow oo ka mid mudanaayasha Aqalka Sare ee dalka.

Kulanka ay wada qaateen Madaxweyne Xaaf iyo Muuse Suudi Yalaxoow ayaa wuxuu  ahaa mid  is xog-wareysi guud oo labada dhinac ay kaga  wada hadleen àrrimo kala duwan.

Senator Muuse Suudi ayaa ku ammaanay Madaxweyne Xaaf dadaalkiisa ku aadan difaacida qadiyada maqaamka Caasimadda oo ka mid ahayd ajendayaashi la isku mari-waayey kulankii wada-tashiga ahaa ee Magaalada Garoowe ku dhexmaray Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka ka jira.

Dhanka kale Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa dhawaan sheegay in shirkii Garoowe lagu qabtay qodobadii Madaxda ay ku fahmi weyday uu ku jiray arrinta Maqaanka Gobolka Banaadir.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR