Madaxweynihii hore ee Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somaliy, Amb. James Swan.

Kulanka oo ka dhacay Xarunta Xalane ayaa waxay labada dhinac uga wada hadleen arrimaha ku aadan Doorashooyinka Dalka, ee lagu wado inay qabsoomaan 2020/2021.

James Swan ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxaa uu ku sheegay in Madaxweynihii hore ee Somaliya ay kulankooda diiradda ku saareen arrimaha doorashooyinka.

Qoraalka ayaa wuxuu sidoo kale uu ku sheegay inay kulanka isula soo hadalqaadeen muhiimadda ay leedahay in la helo siyaasad loo dhan yahay, kana wada qayb qaataan hoggaanada kala duwan ee siyaasadda dalka.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa waxay marar badan dhaliileen habdhaqanka siyaasadeed ee Dowladda Federaalka, iyagoona ka digay in dib loo dhigo waqtiga loogu talagalay Doorashooyinka Dalka.

Beesha Caalamka ayaa waxay ka garaabeysaa qaylo dhaanta ka soo yeereysa dhinacyada siyaasadda ee ka baxsan Dowladda Federaalka Somaliya.

Khilaafka Dowladda Federaalka kala dhaxeeya Maamul Goboleedyada qaarkood iyo Siyaasiyiinta Xisbiyada Mucaaradka ayaa waxay caalamka tusisay sawir ah inaanan lagu qanci karin qaabka ay wax u waddo dowladda, taasi ayaana loo fishay inay keentay in wakiilada caalamku soo fara-geliyan siyaasadda dalka.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR