(Moscow) 11 Luulyo 2018 Malaay ama kaluun ayaa lagu dhex arkay garoonka kulanka haatan dhex maraya xulalka England iyo Croatia.

Taageerayaasha garoonka ka daawanaya ciyaarta ayaa ku soo dhex tuuray malaaygaan gudaha garoonka, lamana sheegin dhinaca ay ka soo jeedaan taageerayaashii soo tuuray.

The Sun ayaa daaha ka qaaday in malaayga nuucaan ah aan laga helin dalka Ingiriiska, taas oo u muuqata in qaab sixir ah ay u soo tuureen taageerayaasha Croatia.

Shaqaalaha garoonka ayaa durba ka saaray malaaygii gudaha garoonka qaybtii hore ee ciyaarta, xulka Ingiriiska ayaana 1-0 ku hogaaminayay ciyaarta.

Waxaa xusid mudan in natiijadu ay tahay haatan 1-1.

Gool FM

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR