Caabuqa dunida saamaynta xoogan ku yeeshay ee Coronavirus ayay suurogal tahay inuu hakiyo socodka kubadda cagta balse waxa uusan wali saamaynin ayaa ah qorshayaashii suuqa kala iibsiga gaar ahaan xiisihii ay kooxuhu ciyaartoyda u muujinayeen.

Mid kamida xiddigaha ugu hadal haynta badan suuqa ayaa ah da’yarka Borussia Dortmund ee Jadon Sancho kaas oo inta ugu badan lala xidhiidhinayo saddexda kooxood ee Manchester United, Liverpool iyo Chelsea.

Iyadoo laga warqabay inay xiisaha ugu badan u muujinayaan saddexleydaasi ayuu haatan wargeyska Evening Standard shaaca ka qaaday in Manchester United ay tahay kooxda hoggaanka u haysa tartankiisa ilaa haatan.

Sancho ayaa suuqa xagaaga bar-tilmaameedka koowaad ee asaasiga ah u ah tababare Ole Gunnar Solskjaer iyadoo ay Red Devils diyaar u yihiin inay ka dhigaan saxeexa ugu qaalisan taariikhda kooxdooda.

Xiddigan oo maanta 20 sano jirsaday ayaa la aaminsan yahay in koox kasta oo la saxeexanaysa ay ka bixin doonta wax ka badan 100 Milyan oo Pound xilli ay kor usii kacayso aragtida Germany laga aaminsan yahay ee ah inuu xagaaga baxayo.

Man United ayaa kamida kooxaha dhaqaale ahaan wanaagsan qaarada Yurub iyagoo awooda inay la kulmaan lacagta ay Dortmund ku iibin karto Sancho ee 120-ka Milyan ee Pound ah si lamid ah Chelsea oo qudheedu lacagtaas huraysa.

Waxa ilaa haatan kala duwaya Blues iyo Red Devils ayaan ahayn dhaqaalaha balse sida warbixintan lagu sheegay ah in United ay ku dhaw-dahay saxeexa xiddiga halka la sheegayo in sidoo kale Dortmund ay isha ku hayso Liverpool iyo dalabka ay keeni doonto.


Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LLIKE OUR FACEBOOK PAGE