(Manchester) 14 Jan 2020. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa go’aansatay inay u dhaqaaqdo sidii ay kula soo wareegi laheyd ciyaaryahanka naadiga Bayern Munich ee Thomas Muller, sida laga soo xigtay jariidada “Express” ee dalka England.

Hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa kaddib wareysi uu ku bixiyay Thomas Müller warbaahinta gudaha Germany Isniintii lasoo dhaafay, wuxuuna  xaqiijiyay inuu doonayo inuu raadsado xulashooyin cusub inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga ee soo aadan.

Thomas Müller ayaa ku dhowaaday inuu ku biiro kooxda Manchester United sanadkii 2015 kaddib markii uu Louis Van Gaal la wareegay shaqada tababarka ee Red Devils, laakiin taas bedelkeeda wuxuu laacibkan reer Germany doortay inuu qandaraas cusub u saxiixo naadiga haatan uu ka tirsan yahay ee Bayern Munich.

Image result for thomas muller to man utd

Si kastaba ha noqotee, 30-sano jirkan ayaa qandaraaska uu ku joogo kooxda Bayern Munich wuxuu dhacaya bisha June ee 2021, halka sidoo kale la filayo inuu ka tago garoonka Allianz Arena dhamaadka xilli ciyaareedkan sida uu laacibka sheegay.

Muller ayaa ka maqnaa kooxda Bayern Munich kulamo badan ee waaweyn xilli ciyaareedkan, taasoo keentay in dhibaatooyin badan uu la kulmo tababaraha reer Croatia ee Niko Kovac oo ugu dambeyntii laga ceyriyay shaqada kooxda.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR