(Manchester) 08 Nof 2019. Manchester United ayaa guul muhiim ah ka gaartay kooxda Partizan Beograd oo marti ugu aheyd garoonkeeda Old Trafford, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-0, kulankooda afaraad wareega group-yada ee Europa League, waxayna u gudubtay wareega  xiga ee 32-da ee tartankan.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 2-0 ay ku hogaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Manchester United.

Daqiiqadii 22-aad Manchester United ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay xiddigooda da’ada yar ee Mason Greenwood, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Marcus Rashford.

33 daqiiqo marka ay ciyaarta aheyd Manchester United ayaa heshay goolkeeda labaad waxaana 2-0 ka dhigay weeraryahanka reer France ee Anthony Martial.

Qeybta labaad ee ciyaarta marka dib ay dib isugu soo laabteen labada kooxood ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, waxayna sameeyeen fursado halis ah ee goolal loo filan karay.

49 Manchester United ayaa hogaanka sii dheereysaty waxaana 3-0 ciyaarta ka dhigay Marcus Rashford, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Ashley Young.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 3-0 oo ay Manchester United ugu awood sheegatay kooxda Partizan Beograd oo marti ugu aheyd garoonka Old Trafford, waxayna iska xaadiriyeen wareega 32-da ee tartanka Europa League

SAWIRRO:

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR