Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay isaga
hadhay xiisihii ay u qabtay saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda
Barcelona ee Ivan Rakitic kadib markii uu Paul Pogba ogolaaday in uu sii joogo
kooxda.

Xiddiga Barcelona ayay Man United u doonaysay badalka
Pogba kaas oo uu shaki ku jiray mustaqbalkiisa Old Trafford.

Laakiin 25 jirka ayaa door muhiim ah ka qaatay qaab
ciyaareedka kooxda Man United tan ilaa markii uu Ole Gunnar Solskjaer
tababaraha u noqday kooxda.

Pogba ayaa doonayay in uu isaga tago kooxda dhamaadka
xilli ciyaareedkan kadib markii uu ka baxay qorshaha Jose Mourinho bilowgii
xilli ciyaareedka ka hor inta aan shaqada laga yadhin.

Laakiin xiddiga ugu qaalisan kooxda Man United ayaa
wadahadalo xasaasi ah la qaatay tababarhaa kooxda Ole Gunnar Solskjaer
todobaadkii hore isaga oo u balan qaaday in uu ka dhigi doona xiddiga ugu
muhiimsan kooxda.

Taas ayaa keentay in ay kooxda Man United gabi ahaan isaga
hadhay xiisihii ay u qabtay xiddiga Barcelona ee Rakitic oo 30 jir ah.

Advertisement

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR