(Manchester) 05 Dis 2019. Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford kaga adkaatay kooxda Tottenham Tottenham Hotspur uu hogaaminayay macalinka reer Portugal ee Jose Mourinho, kaddib markii ay ku dubteen 2-1, ciyaar ka tirsaneyd horyaalka Premier League ee dalka England.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray barbaro 1-1 ah ay isku dhaafi waayeen labada kooxood Manchester United iyo Tottenham Hotspur.

Daqiiqadii 6-aad ee ciyaarta kooxda Manchester United ayaa hogaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay xiddiga reer England ee Marcus Rashford.

Laakiin daqiiqadii 39-aad kooxda Tottenham Hotspur ayaa heshay goolka barbaraha waxaana ciyaarta 1-1 ka dhigay Dele Alli.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 49-aad kooxda Manchester United ayaa heshay rigoorre waxaana gool u badelay Marcus Rashford, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 2-1.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo idlaatay 2-1 oo ay kooxda Manchester United kaga adkaatay Jose Mourinho iyo wiilashiisa Tottenham Hotspur oo marti ku ahaayeen garoonka Old Trafford.

SAWIRRO:

View image on Twitter

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR