Man United ayaa guul ku furatay tartanka Europa League inkasta oo ay waqti dheer ku qaadatay in ay kooxda Astana goolka furitaanka ka dhaliso waxaana United guushan ku hogaamiyay da’yarka Mason Greenwood.

Man United ayaa guul 1-0 ah ka gaadhay kooxda Astana oo kooxda Ole Gunnar Solskjær ee Red Devils waqti badan u diiday in ay Old Trafford goolkii ugu horeeyay ee Europa League ku dhaliyaan balse da’yarka Greenwood ayaa ugu danbayn dhaliyay goolka ay United culayska iskaga dul qaaday.

Manchester United ayaa Old Trafford ku bilaabtay xili ciyaareedka cusub ee UEFA Europa League waxayna Red Devils soo dhawaysay kooxda Astana laakiin iyada oo United laga filayay in ay xili horeba kooxdan dhibaato ku abuurto ayay waqti dheer sugayeen goolka furitaanka.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa isbadal badan shaxdiisa ku sameeyay waxaana kulankan lagu soo bilaabay xidigo da’yar iyo kuwii kursiga kaydka u badnaa inkasta oo Marcus Rashford uu safka weerarka hogaaminayay.

Man United ayaa qaybtii hore ee ciyaarta waxay awoodi kari wayday in ay dhaafto difaaca kooxda martida ahayd ee Astana iyada oo Fred uu birta garaacay isla markaana uu Marcus Rashford khasaariyay fursadii ugu fiicnayd.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ahayd mid ayna United wax xal ah u helin gool yaraantii xili ciyaareedkan ee kooxdeeda inkasta oo isbadal badan lagu sameeyay kooxdii uu Solskjaer ku soo shaqeeyay.

Qaybtii labaad ee ciyaarta markii ay waxba iska badali waayeen ayuu Solskjaer go’aan ku gaadhay in daqiiqadii 68 aad uu ciyaarta laba isbadal ku sameeyay waxaana kaydka ka soo kacay Juan Mata iyo Jesse Lingard waxaana la saaray Gomes iyo Chong.

Daqiiqadii 73 aad Man United ayaa ugu danbayn jabisay ismari waagii ciyaarta ee waqtiga dheer soo jiray waxaana goolkii ugu horeeyay ee Man United ee Europa League ee xili ciyaareedkan dhaliyay da’yarka Mason Greenwood kaas oo dhamaystiray kubbad caawin uu ka helay Fred.

Mason Greenwood oo ka mid ahaa ciyaartoydii da’yarta ahayd ee uu Solskjaer kulankan ku soo bilaabay ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee kooxda kowaad, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0 ay United hogaanka kula wareegtay.

Da’yarka goolkan dhaliyay ee Mason Greenwood  ayaa ah 17 sano jir kaliya waxaana loo arkaa mid mustaqbal wayn ku leh kooxdiisa Man United.

Daqiiqadii 80 aad Man United ayaa ugu dhawaatay in ay goolkeeda labaad hesho kadib markii uu Jesse Lingard birta u garaacay Astana laakiin kubbada ka soo booday waxaa markiisa fursad labaad ku khasaariyay Dalot.

Man United ayaa sii raadinaysay goolkeeda labaad ilaa dhamaadkii ciyaarta si ay guusha u xaqiijisato laakiin ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1-0 ay Red Devils guul uga gaadhay kooxda martida u ahayd ee Astana.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR