Kooxda Man United ayaa Real Madrid u sheegtay in ay diyaar u yihiin in ay ka iibiyaan xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga sida ay sheegayaan wararku.

Red Devils ayaa lagu soo waramayaa in ay Los Blancos u sheegtay in ay heli karaan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba xagaaga hadii ay miiska saaraan lacag dhan 130 milyan oo euro.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa dhankiisa isku diyaarinaya in uu haatnaba sii diyaarsada qorshaha uu ku badali karo isaga suuqa ugu jira raadinta xiddig khadka dhexe ah oo ay u dhaqaaqaan badalkiisa.

Xiddiga reer France ayaa qirtay in uu ku riyoonayo in uu u ciyaaro kooxda Real Madrid iyo waliba ka hoos ciyaaro tababare Zidane xilli ay Real Madrid wax walba u samayn doonto sidii ay u heli lahayd saxiixa xiddiga.

Man United ayaa sidaas darteed wakiilka xiddiga u sheegtay in diyaar u yihiin in ay Paul Pogba u ogolaadaan in uu ku biiro Santiago Bernabue hadii ay Real Madrid Miiska saarto lacag dhan 130 Milyan oo euro.

Pogba ayaa Man United ku soo biiray xagaagii 2016 isaga oo 105 milyan ugu soo biiray kagana soo biiray kooxda Juventus kana mid noqday xiddigaha ugu fiican kooxda Real Madrid.

Advertisement

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR