Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la soo sheegayaa inay qarka u saaran tahay inay 45.7 milyan oo euros kula soo wareegto ciyaaryahanka Inter Milan ee Ivan Perisic.

Jariiradda The Sun ayaa warinaysa in Ivan Perisic lagu wado inuu haatan u soo dhaqaaqo dhanka horyaalka Premier League iyo kooxda Man United oo haatan kulamada isdiyaarinta xilli ciyaareedka cusub u joogta dalka Mareykanka halkaasoo heshiiskiisa lagu dhammaystirayo.

Xiddiga xulka qaranka Croatia ayaa muddo dheer la la xiriirinayey kooxda Man United, waxaana wararkiisu ay isi soo tareen xagaagan oo idil, iyadoo intaa uu xiddigu Nerazzurri u sheegay inuu jecel yahay inuu doonayo inuu ku biiro kooxda Man Utd.

Dhinaca kale heshiiska uu Ivan Perisic ugu biirayo kooxda Man United waxaa fududeynaya in Inter Milan ay durba soo xero galisay beddelkiisa doonaysana inay la’aantiis noolaato, waxaana Nerazzurri ay la soo wareegtay xiddiga garabka ka weerar taga ee Lazio Keita Balde Diao.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR