Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay haatan heshiiska shaqsiga ah la gaadhay daafaca midig ee kooxda Crystal Palace ee Aaron Wan-Bissaka si uu bedel ugu noqdo kabtankii kooxdeeda ee Antonio Valencia oo kooxda laga fasaxay.

Sida laga soo xigtay suxufiga La Gazette dello Sport ee lagu magacaabo Nicola Schira, Red Devils ayaa heshiis shan sano ah oo shaqi ah la gaadhay Wan-Bissaka haatan waxa hadhayna ay yihiin in labada kooxood ay wada hadlaan markooda.

Man United ayaa horeba dalab rasmi ah ugu gudbisay Crystal Palace waxaana uu ku qiimaysnaa aduun lacageed oo 40 Milyan ah balse Eagles ayaa soo diiday dalabkaas iyaga oo 60 Milyan dalbanaya.

Wariye Schira ayaa bartiisa Twitter-ka ku yidhi “Waa la xaqiijiyay, Manchester United waxay doonayaa inay soo gabo-gabayso heshiiska Aaron Wan-Bissaka, Isagu waa dookha koowaad ee tababare Ole Gunnar Solskjaer ee daafaca midig”

“Waxa jira heshiis ay isaga la gaadheen oo ilaa 2024 ah, Haatan Red Devils waxa ay la xaajoonayaan Crystal Palace si ay usoo gabo-gabeeyaan heshiiska”.

Hadalkan ayaa si buuxda u khilaafaya mid kale oo dhawaan kasoo yeedhay 21 jirkan kaas oo sheegay inuu la jiro Palace isla markaana uu xilli ciyaareedka soo socda halkaa sii joogi doono.

Hadalka Wan-Bissaka ayaa ahaa “Crystal Palace ayaan la joogaa haatan halkaasi waa meesha uu heshiiskaygu ka jiro waana halka aan joogi doono xilli ciyaareedka dambe”

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR