(Napoli) 18 Oct 2019. Madaxweynaha kooxda Napoli ee Aurelio De Laurentiis ayaa qiray suurtogalnimada ay ku iibin karaan daafacooda reer Senegal ee Kalidou Koulibaly.

Kooxda Napoli ayaa si isdaba joog ah u diidey dhageysiga dalabyo dhoowr ah ee laga soo gudbiyay Kalidou Koulibaly oo ka mid ah daafacyada ugu fiican qaarada yurub sanadihii ugu dambeeyay.

Waxaa la sheegayaa in kooxda Manchester United ay aad u raadineyso inay hesho adeega 28 jirkan, iyadoo ay Napoli iska diiday dalab gaarsiisnaa 82 milyan ginni inta lagu gudi jiray suuqii xagaaga si ay u fasaxdo adeegiisa.

Haddaba ugu dambeyntii Madaxweynaha kooxda Napoli ee Aurelio De Laurentiis ayaa wuxuu soo dhaweeyay iibinta Kalidou Koulibaly wuxuuna yiri:

“Waxaan u jeclaa Kalidou Koulibaly si shaqsi ahaan, sidaas darteed waan diiday inaan isaga ku iibiyo qiimo dhan 105 milyan euro”.

“Laakiin waxaa imaan doonta waqtiga aan iibin doono isaga, qofka sheega inaan hormarin doonin difaaceena wuu khaldan yahay” ayuu yiri Madaxweynaha kooxda Napoli ee Aurelio De Laurentiis.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR