Manchester United ayaa lagu soo waramayaa in ay ka fikireyso sidii ay dalab £ 60 milyan ah ugu gudbin laheyd xiddiga kooxda Tottenham Eric Dier.

Jose Mourinho ayaa hore u sameeyay laba saxiix oo waaweyn xagaagan, laakiin waxa uu doonayaa inuu helo ciyaartooy awood u leh ka ciyaarista khadka dhaxe.

Helidda khadka dhexe ee daafaca waa mudnaanta koowaad ee tababaraha reer Portugal, inkastoo Michael Carrick uu saxiixay heshiis cusub oo hal sano ah.

Mourinho ayaa doonaya inuu Old Trafford keeno xidiga khadka dhaxe ee kooxda Tottenham  Dier, United ayaana horay dalab £ 50m ah oo ay ka gudbisay ciyaaryahanka laga soo diiday, waxaana ay doonayaan in ay u diraan dalab labaad oo ku kacaya £ 60 milyan.

Tottenham ayaa toddobaadkaan £ 50m kaga iibisay kooxda Manchester City daafaca midig ee Kyle Walker, iyadoo Mauricio Pochettino iyo gudoomiyaha kooxda Daniel Levy aysan diyaar u aheyn in ay lumiyaan ciyaaryahan kale oo muhiim u ah kooxda.

Laakiin The Mirror ayaa sheegeysa in kooxda United isku diyaarineyso mar kale dalab £ 60m ah inay hordhigto kooxda ka dhisan waqooyiga London.

Laakiin Spurs ayaa diidan inay ka iibiso kooxda ay ku xafiiltamaan Premier League 23jirkaan heerka caalami.

Warbixinta ayaa sheegtay in United ay sidoo kale ku raad joogto xiddiga kooxda Chelsea Nemanja Matic, laakiin xiriirka ganacsi ee United iyo Bules ayaan wanaagsaneyn waqtigaan

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR