Manchester City ayaa guul muhiim ah kasoo gaadhay kooxda Crystal Palace kulan adag oo labada kooxood ku dhex maray gegida Selhurst Park.

Kulankan oo 1-3 kusoo dhammaaday ayay hoggaanka PL dib ugu laabatay City waxaana xiddiga kulanka ahaa oo laba gool soo dhaliyay Raheem Sterling.


Shaxihii Labada Kooxood Ee Kulanka

Crystal Palace: Guaita, Wan-Bassaka, Kelly, Dann, Van Aanholt, Milivojevic, McArthur, Schlupp, Towsend, Zaha, Benteke.


Keydka: Hennessey, Ward, Kouyate, Meyer, Sako, Ayew, Batshuayi

Manchester City: Ederson, Walker, Kompany, Laporte, Mendy, Gundogan, Silva, De Bruyne, Sane, Sterling, Aguero

Keydka: Muric, Danilo, Stones, Bernardo, Mahrez, Otamendi, Jesus.

Falanqaynta Guud Ee Kulanka

Sterling ayaa heay fursadii ugu horreysay ee halis badan leh kaddib markii baas loo hordhigay goolka Palace isaga oo kaliya laga sugayay inuu kubadda si toos ah u darbeeyo ayuu si layaab leh goolka u hareer mariyay walow ay fursadu mid furan ahayd.

GOOAL: Sterling ayaa qaladkiisii hore saxay waxaana uu markan kubad uu isagu habaystay oo uu la dhex cararay xiddigaha Crystal Palace cidhifka sarre ee goolka ka dhaliyay isaga oo kulanka ka dhigay 0-1.

Aguero ayaa markale helay fursad halis ah waxaana walow uu cadaadis badan kala kulmayay daafaca Eagles hadana waxa uu awooday inuu kubadda darbeeyo balse darbada ayaa sarre martay goolka.

Intaa kaddib kooxaha ayaa is weydaarsaday laba fursadood wakhtiyo aad isku dhaw, Zaha ayaa laag xoogan ku tuuray goolka Ederson balse goolhayaha ayaa si sahlan ku qabsaday kubadda halka Sane oo shuud xoogan ku laagay goolhaye Guaita uu qasbay in gees ka tuur ay kooxdiisu hesho.

Qaybta hore ee kulanka ayaa kusoo dhammaatay 0-1 ay hoggaanka ku hayaan wiilasha tababare Pep Guardiola goolkana ay ka heleen Sterling oo xilli ciyaareedkan gool dhaliye la hubo noqday.

De Bruyne ayaa qaybtii dambe ee kulanka gaar ahaan daqiiqadii 56-aad isku dayay inuu goolka labaad u keeno kooxdiisa laakiin darbadiisa ayaa noqotay mid hareer martay goolka Palace.

GOOAL: Markale Raheem Sterling!!, Xiddiga ree Engand ayaa markale shabaqa kasoo taabtay Crystal Palace waxaana uu markan dhammaystiray baas uu goolka usoo hordhigay saaxiibkiisa Sane isaga oo kulanka 0-2 u bedelay.

Palace aya intaas kaddib hurdada ka kacday, Bentecke ayaa daqiiqadii 70-aad laag xoogan ku aadiyay goolhaye Ederson kaas oo badbaadin layaab leh sameeyay kubaddana gees uga saaray goolka.

GOOAL: Milivojevic oo ah kabtanka Eagles ayaa laad xor ah ka dhaliyay City daqiiqadihii dambe ee kulanka isaga oo soo nooleeyay rajada kooxdiisa kulankana dib usoo celiyay.

GOOAL: Jesus oo kulanka bedel ku yimid ayaa markale god dheer ku riday hammigii kulanka ee Palace kaddib markii uu ka faaidaystay baas uu u furay De Bruyne si farsamo lehna kubadda gees uga dhigay goolhayaha.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR