( Premier League ) 10 Agoosto 2018. Goolal ka kala yimid Pogba iyo Shaw ayaa u suura galiyay kooxda United inay 2-1 ku dhaafto naadiga Dawacooyinka lagu maameyso

Qeybta hore dheesha ayaa lagu kala nastay 1-0 waxaana uu dhashay goolka daqiiqadii saddexaad ee kulankii markii uu kubbada gacanta ku taabtay daafaca Licester rigoorada loo dhagayna waxaa gool u badalay Paul Pogba.

Laba badbaadib cajiib ah ayuu sameeyay goolhayeha united ee De Gea intaa la kala marin qeybta hore.

Dib markii loogu soo laabtay kaambiyaha dambe laba koox ayaa dhawr halis ah abuuray.

Cayaarta oo daqiiqadihii ugu dambeysay socata Rumalo Lukaku ayaa laga badbaadiyay fursad uu goolka labaad ku dhali lahaa kaddib baas uu isaga iyo goolhayaha uu ka helay Alex Sanchez.

Balse daqiiqado yar kaddib united ayaa heshay goolka labaad waxaana u dhaliyay Luka Show markii uu kubbad aragti fiicana uu ka  helay ninka reer Spain ee Juan Mata.

Waqtigii dheeriga ee lagu daray cayaarta Liecester City ayaa heshay goolka calanka kasoo marka hore ahaa diib u dhacay birta balse uu madax ku dhameystriyay Jamie Vardy.

Uga dambeyn kulan ayaa kusoo idlaaday 2-1 oo ay guul ku gaartay kooxda united .

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR