Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay go’aansatay inay heshiis cusub oo shan sanno ah u soo bandhigto macalin Jose Mourinho.
Tababaraha 54 jirkaan ayaa qeyb ka ah qandaraas seddex sanno ah, lakiin kooxda ka dhisan garoonka Old Trafford ayaa u muuqata inay diyaar u tahay inay ku dhisto kalsoonida mustaqbalka dheer ee Macalinka u dhashay wadanka Portugal.

Sida laga soo xigtay wargeyska The Sun, man United ayaa isku diyaarineysa inay heshiiska u kordhiso jose Mourinho ilaa 2022, taasoo lagu qiimeeyo 65 milyan oo ginni heshiiskiisa.

Heshiiska horumarinta ayaa la sheegay inuu abaalmarin u yahay United oo hogaanka u heysa Horyaalka Premier League madaama ay horyaalka kula tartamayaan Manchester City, labada kooxoodna aan laga badinin todobo kulan oo isku xigta.
Kooxda dalka Ingiriiska ayaa keliya ku dhameysatay kaalinta lixaad xilli ciyaareedkii hore, lakiin jose Mourinho ayaa wali awood u leh inuu keeno labada koob ee EFL iyo Europa League.

Tan iyo markii uu yimid kooxda bishii May 2016, Mourinho wuxuu qabtay 75 kulan tartamada oo dhan, isagoo badiyay 46 kulan islamarkaana 10 kulan kaliya laga badiyay.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR