Laacibka kooxda Chelsea ee Willian ayaa doonaya inuu isaga dhaqaaqo kooxdiisa xagaagan.

Barcelona iyo Manchester United ayaa si aad ah ugu loollamaya saxiixa laacibkan maadaama ay labadooduba doonayaan saxiixiisa.

United-ka ayaa diyaar u ah inay aqbasho lacagta ay Blues ku xirtay iibka laacibka reer Brazil oo ah €70m, halka Blaugrana ay ogoshahay lacag intaas ka yar.

Lionel Messi oo inta badan fara geliya go’aamada kooxda ee ku suuqa kala iibsiga ayaa ka caga jiidaya in laacibkan lagu soo biiriyo garoonka Camp Nou, maadaama uusan ahayn laacib sanado badan uusan usii ciyaari karin kooxda.

Waa 29-jir balse waa mid ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan oo ay heystaan Chelsea isagoo sanad ciyaareedkii tagay dhaliyay 13-gool 12-kalena caawiyay.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR