(Manchester) 14 Sab 2018 Manchester United ayaa ku fashilantay dhamaystirka saxiixa daafaca kooxda Juventus ee Leonardo Bonucci suuqii xaggaaga.

Sida ay baahisay The Sun, Leonardo Bonucci ayaa ku jiray xiddigaha ugu horeeya ee tababare Mourinho uu ka doonayay suuqa kala iibsiga.

Laakiin maamulka Manchester United ayaa diiday inay bixiyaan qiimaha AC.Milan ay ku doonaysay 31 jirkaan reer talyaani.

Leonardo Bonucci ayaana ugu danbayntii dib ugu laabtay kooxdiisii hore ee Juventus kadib markii uu ku fashilmay ku biirida Man United.

Gool FM

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR