Kooxaha reer Yurub ayaa bilaabay ka shaqaynta qorshayaashooda suuqa kala iibsiga xagaaga xilli uu xilli ciyaareedku dhamaad ku dhaw yahay.

Kooxaha kala duwan ee yurub ayaa wadahadalo hordhac ah la sii furi kara kooxaha xiddigaha ay doonayaan in ay helaan adeegooda.

Inkasta oo uuna wax heshiis ah haatan dhici karin oo uuna xiddig-na ku biiri karin koox kale hadana waxa ay heshiis la sii gaadhi karaan xiddigaha ay doonayaan.

Hadaba waxa aan qaab maalin kasta ah kooxda.com idiinku soo gudbin doonaan wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyada.

Waxa xusid mudan in ayna kooxda.com wax masuul ah ka ahayn wararka hoos ku qoran laakiin aanu ka soo xiganay wargaysyada ku hor xusan.

Kooxda Real Madrid ayaa qorshaynaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixyada xiddigaha Eden Hazard, Paul Pogba iyo walina Sadio Mane xilli ay dib u dhis ku samayn doonto kooxda suuqa xagaaga (El Confidencial).

Man United ayaa Real Madrid u sheegtay in ay 130 Milyan oo euro ka xigto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba (Marca).

Kooxaha Arsenal iyo Man United ayaa isku baacsanaya saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Ajax ee David Neres Campos xilli uu sidoo kale xiiso ka helayo Everton, Chelsea iyo Liverpool (Sun).

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona ee Philippe Coutinho ayaa bartilmaameed u noqon doona Chelsea hadii laga qaado ganaaxa suuqa xagaaga kadib markii uu xiddiga reer Brazil diiday Man United (Sport).

Kooxda Barcelona ayaa dalab 100 milyan oo euro ah ka gudbin doonta saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Marcus Rashford kaas oo aan wali heshiis cusub u saxiixin Red Devils (Mirror).

Xiddiga khadka dhexe ee amaahda ugu jooga kooxda Arsenal ee Denis Suarez ayaa isku diyaarinaya in uu ku laabto kooxda Barcelona kadib markii uu ku dhibaatooday in uu boos ka helo Arsenal (Mail).

Kooxda Man United ayaa isku diyaarinaysa in ay bixiso lacagta 31 milyan ee lagu bur-burin karo heshiiska daafaca kooxda Roma ee Kostas Manolas (Leggo).

Kooxda Juventus ayaa Man United ku garaacday saxiixa daafaca kooxda Barcelona ee Smauel Umtiti iyada oo lagu soo waramayo in ay Barcelona kala heshiisay saxiixiisa (AS).

Kooxda Inter Milan ayaa xiriir la samaysay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man City ee Ilkay Gundogan Kaas oo ay doonayaan adeegiisa suuqa xagaaga (Tuttosport).

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay dib ula soo wareegayso xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Empoli ee Ismael Bennacer (Mirror).

Advertisement

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR