Dowladda Maraykanka
ayaa dalkeeda ka soo eriday 21 askari oo ka tirsan ciidanka Sacuudiga, kuwaasi oo
tababar ku qaadanayey gudaha  waddanka
Maraykanka.

Askartaasi ayaa la soo
eryay, kadib markii mid kamid ah ciidamada Sacuudiga ee tababarka loo geeyay
Mareykanka uu toogasho u geystay askar kale oo Maraykanka u dhashay.

Balse, 21 askari ee lasoo
eryay laguma eedeynin in ay ku lug lahaayeen, toogashadii uu mid kamid ah u geystay
askar Ameerikaan ah, inkastoo  xeer-ilaaliyaha guud ee Mareykanka, William
Barr uu sheegay in askartaas lagu arkay qalab looga shakiyay in ay adeegsadaan kooxaha
argagixisada ah.

3 ka mid ah shaqaalaha
ciidamada badda ee Mareykanka ayaa la dilay, 6 kalena waa la dhaawacay, taas oo
keentay in hakad la geliyo tababarka uu Mareykanka gudaha dalkaas ku siinayay
ciidamada Sacuudiga.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in falki toogashada ee ka dhacay saldhigga ciidamada cirka ee Pensacola uu ahaa mid aragagixiso.

PUNTLAND POST

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR