(Yurub) 21 Sab 2018. Macalinkii hore kooxda Juventus Marcello Lippi ayaa wuxuu weerar culus ku qaaday garsooraha reer Germany Felix Brych, kaasoo dhex dhexaadinayay kulankii Juventus iyo Valencia.

Garsoore Felix Brych ayaa xaday indhaha caalamka kadib markii uu kaarka cas ee toos ah uu siiyay Cristiano Ronaldo inta lagu gudi jiray kulankii group-yada ee tartanka Champions League.

“Cristiano Ronaldo uma qalmin kaarka roosaha, garsooruhu wuxuu ahaa mid khayaali ah”

“Waxaa dib loo daawaday muqaalka dhacdadan, wuxuuna qof kasta ee aduunka ah, xaqiijiyay in Cristiano Ronaldo uusan u qalmin kaarkii roosaha uu qaatay”.

“Juventus ayaa laga yaabaa inay soo gaarto dhibaato xoogan, gaar ahaan arinta roosaha wuxuu ganaaxiisa noqon karaa labo kulan sababa la xiriira in si toos ah ciyaarta looga saaray”.

“Waa in xiriirka kubada cagta ee qaarada Yurub ay ogaadaan qaladkii dhacay, isla markaana ay joojiyaan ganaaxa Cristiano Ronaldo”.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR