(Chelsea) 10 Jan 2019. Difaaca garabka bidix reer Spain iyo kooxda Chelsea Marcos Alonso ayaa ku jees jeesay Bayern Munich, isagoo dhinaca kale sheegay inuusan fahmin sababta ay ciyaartoyda ugu biirayaan safka Bayern.

Waxaa jiray muran xoogan ee u dhexeeyay maalmahan maamulka labada kooxood Bayern Munich iyo Chelsea, sababa la xiriira in Bavarian-ka ay xiiseeneyso saxiixa da’ayarka Blues Callum Hudson-Odoi

Wareysi uu bixiyay agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Bayern Munich Hasan Salihamidzic ayaa sabab u ahaa muranka u dhexeeya maamulka labada dhinac ee kooxaha Bayern Munich iyo Chelsea.

Hasan Salihamidzic ayaa xaqiijiyay in kooxda Bayern Munich ay dooneyo in ay wada hadal la furato da’ayarka kooxda ka dhisan galbeedka magaalada Loncod Chelsea ee Callum Hudson-Odoi.

Wareysigan ayaa wuxuu ka careesiiyay saraakiisha kooxda Chelsea waxayna ku hanjabeen in ay dacwad u gubin doonaan xiriirka kubada cagta aduunka ee FIFA, waa hadii ay ku cadaato in Bayern Munich ay la xaajoodeen ciyaaryahan qandaraaskiisa Blues uu gaaray ilaa iyo 2020.

Hadaba Marcos Alonso ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada Sky Sports wuxuu kaga hadlay arintan wuxuuna yiri:

“Callum Hudson waa ciyaaryahan aad u wanaagsan, lakiin wali waa da’ayar”.

“Waxan u maleenayaa inuu noqon doono ciyaaryahan aad u wanaagsan, haatan go’aanka wuxuu ku xiran yahay isaga in uu nala sii joogo isla markaana uu u dagaalamo sida uu boos kaga heli lahaa halkan, ama inuu baxo si uu u raadsado koox uu ka heli karo daqiiqado badan”.

Hadaba mar wax laga weydiiyay Marcos Alonso inuu ku biirayo isag kooxda Bayern Munich ayaa wuxuu yiri:

“Waxaan nahay Chelsea oo lagu tiriyo inay tahay koox weyn, sidoo kale Premier League waa horyaalka ugu fiican aduunka, ma aqaano sababta sababta ay ciyaartoyda ugu biirayaan Bayern Munich si ay ugu ciyaaraan”.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR