Manchester United ayaa guul dahabi ah Old Trafford kaga gaadhay kooxda uu Jose Mourinho hogaaminaho ee Tottenham waxaana United guushan ku hogaamiyay Marcus Rashford oo laba gool dhaliyay.

Jose Mourinho ayaa la kulmay guuldaradiisii ugu horaysay ee Tottenham iyada oo Solskjaer uu awooday in uu Mourinho baday guuldaro ku soo gaadhay Old Trafford.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

TOTTENHAM (4-2-3-1): Paulo Gazzaniga; Serge Aurier, Davinson Sanchez, Toby Alderweireld, Jan Vertonghen; Harry Winks, Moussa Sissoko; Lucas Moura, Dele Alli, Son Heung-min; Harry Kane.

Advertisements

Kaydka: Danny Rose, Eric Dier, Giovani Lo Celso, Juan Foyth, Christian Eriksen, Tanguy Ndombele, Brandon Austin.

MANCHESTER UNITED (4-2-3-1): David de Gea; Aaron Wan-Bissaka, Victor Lindelof, Harry Maguire, Ashley Young; Scott McTominay, Fred; Daniel James, Jesse Lingard, Marcus Rashford; Mason Greenwood.

Kaydka: Juan Mata, Andreas Pereira, Sergio Romero, Luke Shaw, James Garner, Axel Tuanzebe, Brandon Williams.

Jose Mourinho ayaa dib ugu soo laabtay Old Trafford kadib muddo sanad ah oo uu ka maqnaa kooxdii shaqadeeda laga caydhiyay ee Man United, wuxuuna doonayay in uu xaalada ninkii badalay ee Solskjaer uu sii xumeeyo.

Laakiin Man United ayaa ciyaarta si xoogan ku bilaabtay waxayna xaalad culus ku abuurtay Tottenham oo in badan dhibtoonaysay.

Daqiiqadii 6 aad Man United ayaa la timid goolkeeda furitaanka kadib markii uu Marcus Rashford awooday uu darbo joog hoose ah uu ku garaacay goolhayaha Tottenham ee Gazzaniga wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0 ay Red Devils xili horeba hogaanka kula wareegtay.

Man United ayaa sii ahayd kooxda laga filayay in ay goolal kale keensato waxayna Tottenham ku dhibtoonaysay in ay wax fursado ah abuurto balse United ayaan fursadaheeda ka faa’iidaysan.

Daqiiqadii 25 aad birta goolka! Marcus Rashford ayaa ugu dhawaaday in uu goolkiisa labaad dhaliyo laakiin darbo kale oo uu ku tuuray goolka Tottenham ayuu goolhaye Gazzaniga dirqi ku badbaadiyay waxayna kubbadu ku sii dhacday birta goolka.

Daqiiqadii 39 aad Tottenham ayaa ugu danbayn ciyaarta dib ugu soo laabtay kadib markii uu Dele Alli dhaliyay goolka ay Jose Mourinho iyo kooxdiisa Tottenham sida wayn ugu baahnaayeen isaga oo Fred inta uu ku tiirsaday si cajiib ah De Gea ugu garaacay darbada uu goolkan ku dhaliyay.

Ciyaarta ayaa noqotay barbaro 1-1 ah waxayna Tottenham heshay wax ay dhiiro galin ka qaadatay halka Man United ay u muuqatay mid niyad xumaan ka muuqatay isla markaana ay Tottenham kubbada dagaal wayn ku bilawday.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbaro 1-1 ah iyada oo labada kooxood ay awoodi waayeen in ay goolal kale dhaliyaan.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta ayay Man United soo laabtay iyada oo doonaysay in ay hogaankii ciyaarta soo ceshato halka Tottenham ay raadinaysay qaabkii ay natiijada dhinaca kale ugu dhigi lahayd.

Daqiiqadii 47 aad rekoodhe! Manchester United ayaa rekoodhe lagu abaal mariyay kadib markii uu Marcus Rashford qalad kala kulmay Sissoko kaas oo sabab u noqday  in United ay rekoodhe ku guulaysteen.

Daqiiqadii 49 aad Marcus Rashford ayaa kubbada qaatay wuxuuna si degan u dhaliyay rekoodhaha uu kooxdiisa ugu guulaystay isaga oo jahada qaldan u diray goolhaye Gazzaniga, waxayna ciyaartu noqotay 2-1 ay United hogaanka ku soo ceshatay.

Daqiiqadii 64 aad Jose Mourinho ayaa ciyaarta soo galiyay Eriksen wuxuuna badalay Lucas Moura waxayna Tottenham bilawday in ay markale raadiso goolka labaad ee barbaraha.

Tottenham ayaa noqotay kooxda uu culaysku ku saarnaa in ay markale iska soo celiso goolka hogaanka looga hayay laakiin Man United ayaa markan wax walba u samaynaysay in ay hogaanka ilaashato.

Dhamaadkii ciyaarta Man United ayaa iska lumisay fursado ay ciyaarta hurdada ugu diri kartay laakiin Tottenham lafteeda ayaa daqiiqadihii ugu danbaysay culays badan saartay Man United.

Laakiin ugu danbayn Man United ayaa awooday in ay ciyaarta ku dhamaysay 2-1 ay guul dahabi ah kaga gaadhay Tottenham wuxuuna Mourinho guuldaro kala laabtay Old Trafford.

Advertisements

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR