War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaarada Afrika ee loo yaqaano (Africom) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay 11 Bishaan duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen deegaanka Huley oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, isla markaana ay la beegsadeen saldhigyo ay lahaayeen Shabaab.

Mareykanka ayaa sheegay laba dagaalyahan oo ka tirsan Shabaab in lagu dilay duqeyntaasi Ciidamada Mareykanka ay fuliyeen.

Mareykanka ayaa sanadkaan 2019 waxa uu kordhiyey weerarada dhinaca cirka ah uu ka fuliyo Soomaaliya, waxaana horantii todobaadkaan weerar dhinaca cirka ah uu ku qaaday deegaanka Daaru-Salaam ee gobolka Shabeellaha hoose.

Al Shabaab ayaa qaati ka taagan weerarada dhanka Cirka ah & weerarada tooska ah ee Magaalooyinka Shabaab ay maamulaan loogu daadinaayo, taasi oo cabsi ku abuurtay madaxda xubnaha Shabaab.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR