Inta badan jamaahiirta kubadda cagta haatan ayaa u kala qaybsan koox taageere u ah dhaliyaha kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo iyo qayb kale oo taageere u ah dhigiisa Barcelona ee Lionel Messi.

Tabiyaha barnaamijka “Good Morning Brittain” ahna taageeraha weyn ee kooxda Arsenal ee Piers Morgan ayaa u muuqda mid isagu labada dhinacba ka safan kaddib qoraal uu barta Twitter-ka ku adeegsaday toddoba sano kahor oo haatan la helay.

Morgan ayaa dhawaan waraysi dhinacyo badan taabanayay la yeeshay weeraryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo waxaana uu kahor waraysiga barta Twitter-ka ku sheegay in CR7 uu shaki la’aan yahay midka ugu wanaagsan taariikhda.

Si kastaba, 54 sano jirkan ayuu taageere leh indhaha gor-gorka kusoo qabtay qoraal uu amaan weyn ugu jeedinayay Lionel Messi toddoba sano kahor kaas oo haatan la tir-tiray isaga oo Messi ku sifaynayay midka ugu fiican abid.

Dabcan wax xun maaha inuu qof aragtidiisa bedelo balse sheekada xiisaha leh ayaa ah in Morgan uu qoraalkiisaas hore isku sii xakameeyay sheegayna in Messi yahay midka ugu wanaagsan wixii hadal ah uu isaga ka dambayn doonaana uusan muhiim ahayn.

Qoraalka Piers ee 2012 uu Twitter ku qoray ayaa odhanaya “Messi waa xirfadlaha kubadda cagta ee ugu wanaagsan abid, Cristiano Ronaldo-na waa midka labaad ee ugu wanaagsan, Dood kasta oo intaas dhaafsani waa wax aan muhiim ahayn, Waan Hadlay”.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR