(Real Madrid) 11 Agoosto 2018. Xidiga xulka qaranka Croatia Mateo Kovačić ayaa ku macsalaameeyay kooxdiisii hore Real Madrid, fariin gaar ah, kadib markii uu Chelsea ugu dhaqaaqay heshiis hal xili ciyaareed amaah ah.

Mateo Kovačić ayaa wuxuu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee  Twitter-ka sawirka isagoo xiran maaliyada kooxda Real Madrid isla markaana heysta koobka UEFA Champions League, wuxuuna soo raaciyay fariin qoraaleed qaas ah.

“Kadib 3 sano ay ka buuxaan koobab, waxaan go’aansaday inaan boxo, laakiin waxaan jeclaan lahaa inaan u mahadceliyo qoyska Real Madrid iyo dhamaan taageerayaasha, wax walba ay ii soo qabteen, marna ma ilaabi doono”.

Mateo Kovačić ayaa go’aansaday inuu ka dhaqaaqo safka kooxda Los Blancos suuqan xagaaga, si uu u helo fursad ka wanaagsan tan uu ku heystay Real Madrid xili ciyaareedka cusub ee 2018/2019.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR