(Chelsea) 11 Jan 2019. Macalinka Chelsea Maurizio Sarri ayaa wuxuu weerar ku qaaday kooxda reer Germany ee Bayern Munich, sababa la xiriira inay xiiseenayaan saxiixa da’ayarka Blues ee Callum Hudson-Odoi.

Macalinka reer Talyaani ayaa shir jaraa’id uu ksoo muuqday maanta oo Jimco ah, wuxuu kaga hadlay isku dayga Bayern Munich ay ku dooneyso saxiixa da’ayarka reer England.

Shabakada “Sky Sports” ee dalka England ayaa waxay soo xigatay wareysi uu maanta bixiyay Maurizio Sarri, wuxuuna hadaladiisa diirada ku saaray kooxda Bayern Munich.

“Waxaan u maleynayaa in waxa ay sameeyeen aysan ahayn talaabo xirfadeed”.

“Bayern waxa ay ka hadashay ciyaaryahan heshiis kula jira kooxda Chelsea, sidaasi darteed, ma aysan ixtiraamin kooxdeena”.

Wareysi uu bixiyay agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Bayern Munich Hasan Salihamidzic ayaa sabab u ahaa muranka u dhexeeya maamulka labada dhinac ee kooxaha Bayern Munich iyo Chelsea.

Waxaa xusid mudan in kooxda Bayern Munich ay u gudbisay Chelsea dalabyo badan si ay ugu qanciso heshiiskan, wuxuuna dalabkii ugu dambeeyay ay ka gudbisay uu gaarsiisnaa aduun dhan 35 milyan ginni.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR